DAAWO: ”Shiinaha oo badihii MARINAYA!” – Shiinaha oo u kalluumaysta qaab ay dunidu la yaabban tahay (DF Somalia oo rukhsad siisay)

0

(Maputo) 06 Nof 2019 – Kalluumaysatada reer Mosampique ayaa ka sheeganaya maraakiib waawayn oo uu Shiinuhu leeyahay oo xaalufiyay kalluunkii xeebaha dalkaasi.

Hilinka Swedish-ka ah ee SVT ayaa ka sameeyay barnaamij uu cinwaan uga dhigay: ”Maraakiib kalluumaysi oo waawayn oo Shiinays ah oo marinaya badda.”

”Awal waxaan heli jirney nooc kasta oo kalluun ah xitaa Aargoosato yaryar, balse hadda waxaa shabaagta noosoo gala kalluun yar yar oo bilaa qiime ah.” ayuu yiri mid ka mid ah kalluumaysatada oo sheegay inay wixiiba xaabsadaan maraakiib ka timaadda Shiinaha.

Shiinaha ayay dalal badan oo ay Mosampique ka mid tahay oo RUKHSAD siiyay waxay eedeen go’aankaasi waxaana ugu wacan qaabka hujuumiga ah ee wax ma reebaanka ah ee uu u kalluumaysto.

DF Somalia ayaa ka mid ah kuwa Shiinaha la galay heshiis uu mugdi badani ku jiro oo la sheegay in rukhsad lagu siiyay ilaa 30-meeyo doonyood oo kalluumaysi, kuwaasoo aanay jirin qaab ay Somalia u xakamayn karto qaab kalluumaysigooda iyo qalabka ay isticmaalaan.

Halkan ka DAAWO…

Hadalsame Media