ADEEGTO IIB AH: Adeegtooyin ONLINE lagu iibinayo Khaliijka (Google, Facebook, Apple oo lug ku yeeshay) + Muuqaal

0

(Kuweyt) 06 Nof 2019 – Hilinka BBC ayaa kashifay suuq ADDOONSI oo online loogu iibiyo adeegtooyinka oo ka socda dalka Kuwayt iyo meelo kale oo Khaliijka ah.

Tan ugu darani waa in apps-ka ay dadkani ganacsigan xaaraanta ah ku icticmaalaan ay leeyihiin sharikaad waawayn sida Google, Facebook, Apple iwm, kuwaasoo leh xeerar adag oo ka hor jeeda ku tacadinta xuquuqaha asaasiga ah ee insaanka sida iibkan.

Laba weriye oo ka tirsan qaybta Carabiga ee BBC ayaa iska dhigay sidii qoys shaqaale doon ah, waxayna dhex galeen caalam aanay dad badani aamini karin inuu xitaa casrigan jiro.

Jaariyadaha la iibinayo badankoodu xitaa ma oga in ONLINE lagu beecinayo, waxaana shuruudaha ka mid ah inaysan helaynin fasaxyo, fursado ay qoysaskooda kula hadlaan isla markaana aanay ka cabanin shaqooyinka dhabar jabka ah ee aan kala joogsiga lahayn.

”Fasax ma siisaan?” ayaa la waydiinayaa. Seeyte: ”Maya, maya! Annagu haddii aan Kuwayti nahay taa uma ogolin haddii aan daacad hadlo. Waxaan nahay dembiilayaal.”

Waxay sidoo kale sheegeen inaysan telefoon u ogolayn marka laga reebo ugu badnaan bishiiba mar loo dhiibo. ”Sharcigu muxuu ka qabaa?” ayaa la waydiiyay. Wuxuu yiri: ”Annagu sharci maba raacno!”

Waxaa ugu daran nin BOOLIIS ah oo ah ninkii sharciga ilaalin lahaa oo isagoo dhiirran lasoo istaagey inuu kafiil ka yahay qof adeegto ah, balse uu ka qariyay baasaboorkeedii.

Haweenay kale waxay lacag 4000 oo doollar ku dhow ku iibinaysaa gabar yar oo 16-jir ah oo Afrikaan ah oo barii’ ah, balse aysan xitaa aqoonin inay ka timid Ghana, Guinea iwm.

Marka da’da la eego waxay ka horjeeddaa sharciga warqadaha uun ku qoran ee Kuwayt oo dhigaya in aan la shaqaalayn qof ka yar 21 sano, iyadoo ay ciqaabtu tahay ilaa 6 bilood oo xarig ah.

”Miskiin, waxay u ekayd sidii qof ooyin la dhici rabta!” ayuu leeyahay weriyuhu marka ay kasoo tagaan gabadha oo Fatti la yiraahdo kaddibna kiiskeedii la ogaysiiyay dowladda oo kaddib u musaafurisey dalkeeda Guinea.

BBC oo Fatti kula kulantay dalkeeda ayaa waydiisey sida ay u aragto xaaladdii ay lasoo kulantay markii ay dalkaa Kuwayt joogtey.

”Way igu qaylin jireen, iyagoo xayawaan iigu yeeraya. Haweenayda aan la joogay dhar Muslim bay xirataa, balse Muslim maaha,” ayay tiri.

Halkan hoose ka daawo arrintan kasoo horjeeda anshaxa Islaamka…

Hadalsame Media