”Miisaaniyadda DF Somalia waxay kala bar ka yar tahay midda DEGMO ka tirsan Sweden!” – Arrin la yaab leh

0

(Muqdisho) 05 Nof 2019 – In yar uun ka fikir: DF Somalia ayaa waxay soo bandhigtay miisaaniyadeeda 2020 oo ah 4,3 bilyan oo karoon. Waa mid kala bar ka yar miisaaniyadda Degmada Örebro, ayaa lagu bilaabay war ay saxaafadda Sweden ka qortay arrintan. Hadde ogoow Sweden waxay ka kooban tahay 290 kamuun ama degmo.

Wuu sii hadlay Mittmedia oo wuxuu leeyahay, weliba sidaas oo ay tahay miisaaniyadda 2020 waa mid ka badan tii 2019 oo ahayd qiyaastii 3 bilyan oo karoon.

Wuxuu dakhli xumada DF ku micnaynayaa nidaamka oo aan baahsanayn hay’aadkii dowladda oo ku burburay dagaalladii sokeeye dartood, taasoo adkaynaysa inay dowladdu canshuuro ka qaaddo dalka oo dhan.

Waxay sheegeen in hay’adaha qaarkood aanay doonayn inay canshuurta bixiyaan, balse ay wax is yara bedelayaan, waxaana ka mid ah dowladda oo bilowga sanadka soo aaddan filaysa in qaamaha laga cafiyo, iyadoo uu Muqdisho xafiis ka furtay Bankiga Adduunku.

… Waxyaabaha miisaaniyaddan ugu wanaagsani waa in la kordhiyo mushaharka ciidamada.

Hal su’aal oo muhim ihi waa ciidamada dowladda oo maadaama aanay mushahar fiican qaadanin laftoodu halis amaan ah. Balse waxaa socda qorshe ay ciidamadu si tartiib tartiib ah u noqonayaan kuwo nidaam leh, si ay amaanka guud ugala wareegaan AMISOM 2021, sida uu qorshuhu yaha, ayuu warkiisa kusoo koobay.

Hadalsame Media