Haddii ay DF mushaharka askariga ka dhigtay $200 midka maalintii $100 ku QAYILAYA maxay ka yeelaysaa?!

0

(Hadalsame) 05 Nof 2019 – Maalin dhowayd waxa ay xukuumaddu sheegtay in ay kordhinayso mushaarka ciidamada. Mushaarka ciidanka oo hadda ah $100 bishii ayaa xukuumaddu sheegtay in ay ka dhigayso $170 oo lagu daray $60 oo cunto iyo raashin ah.

Hagaag, mushaar kordhinta ciidanku runtii aad bay u soo daahday welina kow iyo labo ma joogto. Heerka xukuumaddu sheegtay in ay gaarsiinaysana weli waa mid aad uga hooseeya heerka nolosha qoyska Soomaaliga ah ee Soomaaliya ku nool, anigu fikirkayga. Waa laga yaabaa in dadka qaar qabaan in $230 doolar ay ku filan tahay bishii nolosha qoys Soomaaliya ku nool .

Si kasta se ha ahaatee waa lama waxaa habboon inta aysan xukuumaddu mushaar korshinta samayn in ay samayso qiimayn iyo baaritaan ku saabsan heerka nolosha qoyska soomaaliga ah ee sida ‘qoys askari’ iyo lacagta uu qoyskaasi bishii ku noolaan karo, ugu yaraan. Waxaa xaqiiq ah oo indhaha la iska tiri karin in mushaaryarida ciidanka iyo shaqaalaha dawladdu uu qayb wayn ku leeyahay ammaandarrada dalka la jirta iyo musuqa. Sidaas daraadeed waa muhiim in dawladdu ciidankeeda iyo dhaqaaleheeda kaleba siiso mushaar ku filan nolosha qoyska qofka dawladda u shaqeeya. Dhibaatada ay leedahay shaqaale dawlo oo aan mushaar ku filan la siin waxaa ka hadlay hoggaamiyihii hore ee dalka Singabuur (SINGAPORE) LEE KEW YUAN waxa uu na ku sifeeyay in awoodda maamulka oo loo dhiibo rag aan mushaarkoodu deeqin ay la macne tahay casumaad raggaas lagu casumayo in ay awooddaas si qaldan u isticmaalaan (musuqaan). Mr. Lee waxa uu buuggiisa FROM THIRD WORLD TO FIRST ku yiri “petty power invested in men who cannot live on their salaries is an invitation to misuse that power.”

Haddaba si musuqa iyo amaandarrada loo la diriro waa in dawladdu myshaarka ciidanka iyo oan shaqaalaha kaleba gaarsiiso heer ku filan nolosha qoysaskooda.

Waxaa jirta dhib kale oo Soomaaliya haysta kaas oo ah in ay jiraan rag ciidanka iyi shaqaalaha ka tirsan oo aan mushaar walba oo la siiyaa ku filnayn, xattaa $3000 oo doollar bishii. Ragaas maalintii ayay $100 ama ka badan ku qayilaan ama balwado kale ku isticmaalaan, soow dadkaasi ma aha qaar u samaysan inay wax is dhaafdhaafiyaan?

Qaar kale qayilaadda iyo balwada waxaa u dheer hawlo kale. Hoteellada magaalada ayaad ku arkaysaa ayaga oo ka qadaynaya qaarkoodna waaba deggan yihiin. Kuwaas maxaa laga yeelayaa illaa mushaar ku filan dalkaani ma siin karee?

Waxaan intaas ku darayaa arrinta raashinka ciidan. Sida hadda muuqata raashinka ciidanka bakhaarro ayaa laga soo iibiyaa oo dawladdu ma leh beero dalag uga soo go’o. Waxaa i la quman in dawladdu abuurto mashruux beerasho oo nustaqbalka ku filnaada dhammaan baahiyaha cunto ee ciidanka iyo dhaqaalaha dalka.

Waxaa Qoray: Cali M Diini

Hadalsame Media