Frank selak, ma aamini kartid inta SHIL ee uu ka badbaaday & sida

0

(Hadalsame) 04 Nof 2019 – Frank selak waa 88 jir u dhashay dalka croatia waxaa la sheegaa inuu yahay nin aad u nasiib badan.

Sanadkii 1962-kii isagoo safar ah oo tareen saaran ayaa tareenkii waxaa ku soo dumay buur baraf ah dabadeed tareenkii webi ayuu ku dhacay, dhamaan dadkii saarnaa tareenka weygeeriyoodeen balse frank selak waxba ma gaarin marka laga reebo dhaawac yar oo lugaha ka soo gaaray.

Sanad kadib ayuu markii ugu horeysay noloshiisa diyaarad raacay, markay diyaaradii duushay ayuu matoorkii ka ciladoobay nasiib wanaag frank daaqad ayaa u furantay uuna iska soo tuuray diyaaradii, dhulka kuma dhicine wuxuu ku dul dhacay meel qashin aad u badani yaalo wax dhibaato ahna ma gaarin.

Intaa keliya kuma eka dhacdooyinkii ninkan soo maray sanadkii 1966-kii ayuu soo raacay gaari bas ah, si uu shaqadiisa u aado, baskii uu saarnaa wuxuu ka soo dhacay buundo wuxuuna ku dhacay webi buundada ka hooseeyey, afar qof oo baska saarnaa ayaa halkii ku geeriyooday balse ninkii frank ahaa waxba ma gaarin.

Sanadkii 1970-kii ayuu gaadhi iibsaday, isagoo gaadhigii kaxaynaya ayaa si lama filaan ah matoorkii gaadhigu dab qabsaday, isla markiiba gaadhigii ayuu ka booday ilbidhiqsi kadibna gaadhigii ayaa qarxay.

Sanadkii 2005-tii ayuu wuxuu soo iibsaday warqad baqtiyaa-nasiib ah wuxuuna ku guuleystay hal malyan iyo 100 kun oo dollar!

Waxaa Diyaariyay: Mustaf Cawil Xasan

Hadalsame Media