”Xal aan xabbad ahayn halla keeno!” – Mahad Salaad oo talo u jeediyey Xukuumadda & kooxda Ahlu Sunna

0

(Muqdisho) 03 Nof 2019 – Xil. Mahad Salaad ayaa ka hadlay dagaallo koobkooban oo laga soo sheegayo degaanno ka tirsan Galmudug.

Mahad Salaad ayaa war uu soo dhigay boggiisa ku bilaabay sidatan: ”48 saacadood ee lasoo dhaafay degmooyinka Guriceel iyo Matabaan waxaa ka jiray hardan ciidan oo u dhaxeeyay Ahlu Sunna iyo ciidamada dowlada. Intii dhimatay Allaha u naxariisto. Inta dhaawaca ahna Allaha u booga dhayo. Aamiin.

”Sida muuqata labadaas magaalo hada gacanta dowlada ayay ku jiraan lkn waxaa iswaydiin mudan awood ciidan Xukuumadu maku gaari kartaa ujeedooyinka siyaasadeed ee ay Galmudug ka leedahay. Maxaase la gudboon Ahlu Sunna?

”Inta aan ka warqabo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada labo ujeedo ayuu ka leeyahay Galmudug kuwaas oo kala ah: deegaanada Galmudug ee uu kasoo jeedo oo Al-Shabaab laga xoreeyo iyo Madaxweyne doorashada 2020 kala shaqeeya in Galmudug loo doorto. Ku ceebayn maayo oo waa wax uu ku fakari karo qof kasta oo deegaankiisa ka fakaraya ama damac siyaasadeed leh. Lkn waxaan xasuusinayaa labo kale:

”Tan koobaad: Al-Shabaab dad isku uur ah ayaa iska xorayn kara, nimankii yaqaanayna waa kuwa aad siyaasada Galmudug isku haysaan ee kala heshii siyaasada. Wiilkii beri garabkaaga istaagi lahaana adigu maanta god ha u hoynin. Tan labaad: Galmudug kursi dhiig leh laguma dhaqi karo ee si mida hore aad uga miro dhaliso magac iyo maamuusna uga tagto dadka Galmudug wadar ogol maamul ha loogu dhiso.

”Ahlu Sunna waliba si gaar Macalin Maxamuud iyo Sheekh Maxamed Shaakir waxaan leeyahay siyaasadu maanta kaliya maahan, dadka iyo deegaankana wax badan ayaad soo tarteen dadkuna maanta dowladnimo ayay u hanqal taagayaan sax iyo qalad waxay rabaan ha aaminsanaadeen ee adinku maanta u tanaasula una ogolaada dowladnimada ay hayaanka u yihiin, si beri hadii wax qaldamaan odoyaal marjac ah oo loo soo laabto aad u noqotaan. Dhalinyaradii dadka, deegaanka iyo diinta soo difaacayna beri ayaa looga baahi badanyahay ee maanta dabka yaan lagu shubin.” ayuu kusoo afjaray Xil. Mahad Salaad.

Hadalsame Media