Wasiirka Warfaafinta oo UL kala dhex kacay Warbaahinta DF (Rag xilalkii laga qaaday & kuwo la magacaabay)

0

(Muqdisho) 03 Nof 2019 – Wasiirka Warfaafinta Md Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa eed iyo xil ka qaadis iskugu daray howlwadeenno ka tirsanaa madaxda warbaahinta DF Somalia.

Wareegto kasoo baxday Wasiirka ayaa ragga xilalka laga qaaday ku eedaysay ”xil gudasho la’aan, amar diiddo iyo dayacaad”, sida ku cad Isbedel wareegtada ka soo baxday xafiiska Wasiirka Warfaafinta.

XILALKA LA QAADAY & RAGGA LOO MAGACAABAY:

Agaasimihii Telefishinka Qaranka Liibaan Cabdi Cali ayaa xilkaasi laga qaaday, waxaana loo dhiibay Faarax Salaad Dharaar.

Waxaa isna la rafacay Wakaaladda Wararka SONNA ayaa xilkii laga qaaday, iyada oo xilkaas loo Magacaabey Cali C/qaadir (Cali Maykal).

Waxaa isna xilkii laga xayuubiyey Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdi Fitaax Daahir Jeyte ayaa xilkii laga qaaday, waxaana xilkaas loo Magacaabey Yaxye Cali Faarax.

Hadalsame Media