Iskuullada Islaamiga ah ee dalka UK oo kaalinta 1-aad ka galay guud ahaan dalkaasi (Dhinacyada ay ku fiican yihiin)

0

(London) 03 Nof 2019 – Iskuulaadka Islaamiga ah ee ku yaalla carriga Ingiriiska ayaa safka hore ka galay liiska iskuullada ugu wanaagsan dalkaas, sida ay shaacisay Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Ingiriiska.

Iskuulaadka Islaamiga ah ayaa banneystay saddexda kaalimood ee ugu horreeyey liiskan, sidoo kale waxa ay ku yeesheen liiskan oo ka kooban 20 iskuul 8 ka mid ah.

Tawhid Islamic School oo ku yaalla Blackburn ayaa hoggaaminaya liiska iskuulaadka ugu wanaagsan Ingiriiska, waxaana ku xigay Dugsiga Aden ee loogu talagalay Wiilasha ee ku yaal Birmingham, waxaa ku sii xiga dugsiga Aden ee gabdhaha loogu talagalay ee Coventry.

Wasaaradda Waxbarashada Ingiriiska ayaa sida lagu muujiyey degelkeeda rasmiga ah, waxa ay ku qiimeysaa xulista Liiskan fursadaha shaqo ee ay helaan ardayda ka qalin jabisa iskuulaadka, heerka ardayda iyo natiijooyinka ay ka keenaan maadooyinka sayniska ah sida xisaabta, fiisigiska, sayniska iyo ingiriiska, natiijada qiimeynta dhamaadka sanadka, heerka kobaca dhibcaha ardayda iyo xiisahooda ku aaddan sii wadida Tacliinta Sare.

Waxaa Diyaariyay: Maxamuud Bashiir Jaamac

Hadalsame Media