DERBI LA DARDARAY: Dadka tahriibka ah oo la yimid qaab ay uga gudbaan derbiga laga dhisay xadka Mexico & Maraykanka + Sawirro

0

(San Diego) 03 Nof 2019 – Gaangiska dadka tahriibiya ee Mexico ayaa la sheegay inay si joogto ah u jeexaan gidaarka uu dhisay MW Trump iyagoo adeegsanaya agabyada wax lagu jaro ama lagu duleeliyo, sida ay sheegeen saraakiil Maraykan ah.

Agabka wax lagu jarayo oo ah kuwa xarig la’aanta ah ayay qaarkood joogaan wax ka yar $100 doollar, waxaana derbiga laga banneeyay meelo ku filan inuu qof ka boxo ama baakado daroogo ah laga gudbiyo.

Agabkan ay adeegsanayaan ee ‘gaarka ah’ ayaa awood u leh inuu duleeliyo birta aastada ah iyo rukumada shubka ah ee gidaarku ka samaysan yahay.

The Washington Post ayaa werinaya in marka lakala jeexo rukumada shubka ah, birta aastada ah dhinacyada uun loo kala jiidayo si looga duso, waxayna shaqada duleelintu qaadataa 15-20 daqiiqadood.

Meelaha qaar, waxay tahriibiyeyaashu saartaan jaranjarooyin dhaadheer, sida meelo u dhow xadka San Diego.

Hadalsame Media

Facebook Comments