Ururka IGAD oo qarka u saaran inuu burburo (Somalia & Jabuuti oo ka hor yimid qorshaha Abiy Ahmed)

0

(Addis Ababa) 02 Nof 2019 – Djibouti oo taageeranaysa Somalia ayaa Kenya kula dheggan xil ka mid ah labada jago ee ugu waawayn ururka IGAD oo ay muddo dheer oo ay Somalia saaxada ka maqnayd ay u kaltamayeen Kenya iyo Itoobiya oo iminka doonaysa inay isku bedeshaan Guddoonka iyo Xoghayaha Guud oo ay kala haystaan.

Dr Abiy Ahmed oo haatan ah Guddoonka IGAD ayaa doonaya in Wasiir Dibadeedkii hore ee Itoobiya, Dr Workeneh Gebeyehu, uu qabto xilka Xoghayaha Guud — kaasoo ah xil ay sidoo kale Somalia ku haminayso, iyadoo uu ujeedku yahay in ay Kenya oo hadda xilkaa haysaana ay qabato Guddoonka, waana arrin ay aad uga horjeedaan dalalka kale ee IGAD oo ay hormuud u yihiin Somalia iyo Jabuuti.

”Xalka ugu cadaalisan iyo tanaasul ayaa waajib ah haddii kale IGAD waa dhimanaysaa.” ayuu Twitter-kiisa ku qoray Faarax Macallin oo ah siyaasi Soomaaliyeed oo aad ugu dhuun daloola siyaasadda gobolka.

Wuxuu Faarax soo jeediyay in IGAD loo bedelo hay’ad dimoqraadi ah ama isaga oo idilba la baabi’iyo. Somalia iyo Jabuuti ayaa iyaguna doonaya in xilalka sar sare wareeg laga dhigo si aanba loogu murmin.

Dhanka kale, Eritrea oo weli aan si buuxda uga soo noqon ururka IGAD oo marna laga saaray marna ay iskeed uga baxday iyadoo cadaalad darro tirsanaysa ayaa ka mid ah dalalka doonaya in dib u habayn buuxda lagu sameeyo ururkan oo ay muddo adeegsanayeen Itoobiya iyo Kenya.

Waxaa la sugayaa waxa kasoo baxa kulan kulul oo lagu wado inuu qabsoomo.

Hadalsame Media