YAAB: Haweenay samaysatay wejiga ninkeeda si ay telefoonkiisa u furto!!

0

(Hadalsame) 02 Nof 2019 – Haweenay ayaa ku dhaqaaqday tillaabo ay dadku aad ula yaabeen kaddib markii ay qalliin iskaga sameeysay wejiga si ay iskugu ekeeysiiso ninkeeda.

Sneha ayay Akash markaa is qabaan 3 sanadood, waxay ahaayeen lamaane isku faraxsan, wuxuu se dhibku bilowday markii uu Akash diidey inuu xaaskiisa la wadaago furaha telefoonkiisa.

Sneha ayaa marar badan u seex seexatay inay Akash ku qanciso inuu furaha u sheego, balse Akash oo aan markii hore si rasmi ah u diidin, ayaa si cad miinka uga cuskaday markii ugu horreeysey, taasoo aad uga caraysiisey Sneha.

Sneha oo ogayd in telefoonka xaajigeedu uu ku furmo weji aqoonsi, ayaa qaadday tillaabo aan caadi ah, iyadoo gashay qalliin wejigeeda loogu ekeysiinayo midka ninkeeda, balse misna weli ma cadda inay u suurageli doonto inuu telefoonku furmi doono, maadaama aanay DNA ahaan isku mid, waayo warqaadka aannu ka soo xiganney ee The Fauxy ma caddaynin inay taa ku guulaysatey iyo in kale.

Hadalsame Media