Arrin degaanka halis ku ah oo ka socota magaalada Garoowe (Arag sawirrada)

0

(Garoowe) 02 Nof 2019 – Muuqaalka Togga Garoowe, aawey Dawladdii Hoose, aawey Wasaaradii Deegaanka Puntland?

Togga Garoowe (majamaqarshe) oo horey u sii baaba’ayay cimilo-xumo awgeed ayaa iminka xaalad adag soo wajahdey kadib markii laga dhigtey qashin-qub, iyadoo lagu daadshey haradigii ka harey guryihii la burburshey.

Qashinkan, lagu daadshey Togga ayaa keenaya nadaafad-xumo, sumcad-xumo iyo in xili roobaadka biyuhu ay burburshaan dhammaan guryaha u dhow Togga.

Shalay ayaa mid ka mid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmadda Garoowe ku baraarujiyay xaaladan, waxaana xasuusiyay in ay tahay waxyaalihii ay u dhaarteen, wuxuu qirey dhibbaatada ka dhallan karta, waxaana uu ballan qaadey in si degdeg ah wax looga qabanayo.

Waxaa Diyaariyay: Axmed Cabdislaam

Hadalsame Media