”Indho isku WAARAYA ayaynu leennahay!” – Qisada labadii tuug ee is qabey!!

0

(Hadalsame) 01 Nof 2019 – Nin tuug ah ayaa beri guursaday gabadh iyaduna tuuganimada taqaan… midkoodna kan kale uma sheegin caadadiisan. Sheegis la’aantaasina waxa ay keentay in mid kastaa tuugadii muddo ka warwareego, kadidbna ay qoyskii wax la’aan badani soo waajahdo.

Maalintii dambe ayuu ninkii tuulada tegey, isaga oo niyada ku haya bal in uu wax uun dayacan soo helo.

Intii uu maqnaa ayey gabadhii waxar dhaylo ah kala hadhay reer geeddi ahaa oo meel aan ka fogeyn guriga marayey. Waxa aanay diyaarisay qado hilib ah oo aanu qoysku baryahaasba arag.

Ninkii markii uu fiidkii soo noqday, waxa uu gabadhii weydiiyey halka ay hilibka ka heshay, Iyana kamaba ay qarin ee waxa ay u sheegtay sidii ay wax u dhaceen oo waxar yar ay soo xaday.

Odaygii ayaa inta uu u guuxay warkeeda waxa uu ku yidhi, “Allaylehee Indho isku waaraya ayeynu leenahay”

Waxa aan uga socdaa, masuuliyiinta Soomaalida ee iyaga oo musuq maasuqa iyo wax is daba marinta camalkooda yahay, aynu ka dalbanayno in ay wax ka qabtaan kuwa ka hooseeya ee musuqa wada, waxa aynaan ogeyn in ay hoos ugu leeyihiin kuwa ka hooseeya, “Indho isku waaraya ayeynu leenahay ee boobka xoolaha ummadda ka dhaxeeya halkaa aan ka wadno jeebabkana aan ka buuxsano”

Waxaa Diyaariyay: Kamaal A. Cali

Hadalsame Media