”Haku hadlin af-Soomaali” – Kooxda Al Shabaab oo amar la yaab leh soo saartay!

0

(Muqdisho) 01 Nof 2019 – Ururka Al-shabaab ayaa shaaciyay in ay degaanno ka tirsan gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya ka bilaabeen ol’ole lagu Carabiyeynayo bulshada halkaasi ku dhaqan, islamarkaana looga guurayo luuqadda Af-Soomaaliga.

Al-shabaab ayaa amar ku siiyay dhammaan shacabka ku nool degaannadaasi, in ay bartaan luuqadda Carabiga iyo in ay Carruurtooda ku barbaariyaan barashada iyo ku hadalka Af-Carabiga, si loo hirgeliyo ol’olaha Carabiyeynta.

Sidoo kale, waxay maamulayaasha iyo macallimiinta dugsiyada ku amreen in ay manhajka Waxbarashada ku saleeyaan luuqadda Carabiga oo keliya, waxaana ay ku hanjabeen in tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo fulin wayda amarkaasi.

Waxa kale oo Al-shabaab bulshada halkaasi deggan ku amreen, in ay goobaha ganacsiga iyo boorarka ogaysiisyada ku qoraan luuqadda Carabiga, halkii lagu qori lahaa Af-Soomaali, si loo dhiirri-geliyo barashada luuqadda Carabiga.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Cabdi

Hadalsame Media