DARAASAD: Ragga oo la sheegay inay haweenka ka shactiro badan yihiin, sababta

0

(Hadalsame) 01 Nof 2019 – Ragga ayaa la sheegay inay ka maad badan yihiin haweenka, sida ku cad daraasad cusub oo soo baxday.

Waxaa cilmi baaristan lagu saleeyay tijaabooyin lagu cabbirayo cidda maad bada ragga iyo haweenka – iyadoo aan la ogayn jinsiga qofka.

Cilmbi baarayaasha ayaa haddaba helay in 63% ay raggu ka shactiro badan yihiin haweenka.

Daraasadda ayaa diiradda saaraysay dadka caadiga ah oo waxaa ka mamnuuc ahaa in xisaabta lagu daro maad-yahannada xirfadleeyda ah (professional comedians).

Maqaal uu ku qoray Psychology Today, ninka daraasaddan hoggaaminayey ee Dr Gil Greengross ayaa sheegay in maaddu ay gacan ka gaysato “muwaafaqada lamaanaaha”.

Wuxuu sheegay inay dumarku jecel yihiin nin maad badan oo ka qosliya, halka ay raggu door bidaan “haweenka maaddooda ku qosla ama ka hela”.

“Waxay taasi keentaa inay raggu ay qaarka kale kula tartamaan sidii ay naagta usoo jiidan lahaayeen iyagoo maad adeegsanaya.” ayuu yiri Dr Gil.

Hadalsame Media