SAWIRRO: Cabanas Ortega, wuxuu u dhowaa Man Utd, madaxa ayaa xabad looga dhuftay, waxaa dhacday xaaskiisa, haddana wuxuu dubaa ROOTI! (Qiso dhab ah)

0

(Asunción) 01 Nof 2019 – Salvador Cabanas Ortega oo u dhashay waddanka Paraguay wuxuu ahaa cayaaryahan caan ka noqday koofurta Ameerika. Wuxuu ku guulaystay laacibka ugu fiican waddankiisa iyo midka ugu fiican koofurta ameerika labadaba, asigoo xulkiisa kala qaybgalay koobki adduunka ee 2006 lagu qabtay jarmalka iyo koobkii qaaradda Ameerika ee 2007-kii.

Balse waxay wax walba isbadaleen maalinkii ay taariiqdu ahayd 25 january 2010 markaas oo Cabanas madaxa laga toogtay asigoo ku sugan maqaayadda caanka ah ee lagu magacaabo “Bar Bar” ee ku taalla wadanka Mexcio.

Waxaa layaab lahayd inuu ka badbaaday dhacdadaas ayadoo weli ay rasaastii ku jirto madaxiisa oo ay dhaqaatiirtu sheegeen in aanan laga bixi karin.

Cabanaas oo la hadlay taleefishinnada wuxuu sheegay in ninka toogtay oo ahaa ragga daroogada ka ganacsada uu asiga ku tilmaamay inuu waddankooda Mexcio lacago badan kasameeyay. Dhacdadaas ayaana Cabanas u diiday inuu kamid noqdo xidigihii xulkiisa paraguay u matalay koobkii aduunka ee 2010 lagu qabtay South Africa.

Sidoo kale Cabanas waxaa xiriiro la soo sameeyay inti aanu shilku dhicin kooxo badan oo yurub ka dhisan ayadoo wakiilkiisa ciyaaraha uu saxiixayay heshiis uu Cabanas ugu wareegayo kooxda Manchester United.

Cabanas inti uu isbitaalka ku jiray waxaa u heshiiyay xaaskiisii iyo qareenkiisi kuwaas oo ka sameeyay waraaqo been abuur ah oo ay xaaskiisu kula wareegtay dhammaanba hantidiisii iyo gurigiisii waynaa oo lagu qiyaasay lacag ahaan 5 malyan oo doolar.

Maanta Cabanas iyo aabihiis waxaa hanti oo dhan ay ka haystaan foorno rootiga lagu dubo. Ayadoo Cabanas uu subax walba rootiga ku wareejiyo waddooyinka wadanka paruguay.

Waxaa Diyaariyay: Aqwaan Xasan Jidhi

Hadalsame Media