”SMALLDINI”, Chris Smalling oo naanays cusub loo bixiyay & Man Utd oo ka fikireysa inay dib u ceshato + Sawirro

0

(Roma) 31 Okt 2019 – Daafaca kasoo amaahan kooxda Man Utd ee Chris Smalling ayaa wacdaro ka dhigaya kooxda AS Roma oo uu xalay goolkiisii 1-aad u dhaliyay, kulankii ay 4-0 uga soo badiyeen kooxda Udinese, isagoo sidaa ku noqday laacibkii ugu horreeyay ee Ingiriisi ah ee abid gool u dhaliya Roma.

“Laacibiin badan oo Ingiriis ihi dibedda kama dheelaan waana ceeb taasi, balse waan ku raaxaysanayaa waayahayga Serie A. Waxaan qabaa inay ciyaartaydu ku habboon tahay halkan.” ayuu yiri Chris oo sheegay inuu todobaadkii qaato 4-5 cashar oo uu Talyaaniga ku baranayo.

Yeelkeede, taageerayaasha AS Roma ayaa durba laacibkan naanays cusub u sameeyay, iyagoo ku mitaalaya Paolo Maldini oo ka mid ahaa daafacyadii ugu khatarsanaa qarnigii 20-aad ilaa horraantii qarniga 21-aad, waxayna u bixiyeen ”Smalldini.”

Si kastaba 29-jirkan oo 31 kulan u saftay xulka Ingiriiska ayaysan Roma u hubannayn inuu sii joogayo, maadaama ay soo baxayaan warar sheegaya inay Man Utd doonayso inay dib u ceshato.


Hadalsame Media