Senetka Faransiiska oo meel mariyay sharci hooyooyinka u diidaya inay is xijaabaan marka ay tegeyaan iskuullada dalkaasi, Turkiga oo cambaareeyay

0

(Paris) 31 Okt 2019 – Aqalka Senate-ka Faransiiska ayaa ansixiyey sharci cusub oo hooyooyinka xijaaban ku waajibinaya inay madax saarka tuuraan marka ay tagaan iskuullada dalkaasi.

Warkan ayaa beryahanba aad looga hadal hayey dalkaasi, tan iyo markii uu siyaasi midig-fog ihi uu haweenay madax daboolan u diidey inay ilmeheeda oo iskuulleey ah u raacdo kulan ay lahaayeen Golaha Gobolku.

Tillaabadan ayaa sidoo kale imanaysa maalin uun kaddib markii laba oday si xun loogu dhaawacay weerar lagu qaaday masjid ku yaalla magaalada dhacda koonfurta dalkaasi ee Bayonne. Waxaa loo qabtay nin xiriir la leh kooxaha cunsuriga ah ee midigta-fog.

Yeelkeede, sharcigan ayaa socon kara oo qura haddii uu u codeeyo Aqalka Hoose, balse lagama yaabo inay taasi dhacdo waayo waxaa diiddan xisbiga aqlabiga ah ee Jamhuuriyadda Socota ama La République en marche.

Dalka Turkiga ayaa sharcigan cambaareeyay, isagoo ku tilmaamay mid sii kordhin doona nacaybka, beegsiga iyo takoorka lagu hayo Muslimiinta.

Hadalsame Media