Ilhaan Cumar oo ka hor timid sharci lagu ”ulaynayay” Turkiga (Shacabka Turkiga oo amaan u jeediyay)

0

(Washington, DC) 31 Okt 2019 – Xildhibaanadda Aqalka Wakiillada, Ilhan Omar ayaa difaacdey go’aanka ay kaga hor timid qaraar dhacdooyinkii 1915-kii dhexmaray Turkiga iyo Armenia u aqoonsanaya “xasuuq.”

Maraykanku haka werwero “xasuuqyadii ka horreeyay” oo ay ku jiraan “ganacsigii addoonsiga iyo xasuuqii dadkii dhaladka ahaa ee Ameerika,” ayay Ilhaan oo Minnesota meteshaa ku tiri war ay soo saartay.

Dembiyadan “taariikhiga ah ee ka dhanka ah xuquuqda insaanku… waxay nafta ka qaadeen malaayiin dadka ah oo asaloow ah,” ayay daba dhigtay.

Sida uu qabo Ward Churchill, oo aa professor culuunta isirka ka dhiga University of Colorado, dadka asaliga ah ee sida khaladka ah loogu yeero ”Hindida Cas” waxay ahaayeen 12 milyan sanadkii 1500, waxaana sidii loo laynayay laga soo reebay kaliya 237,000 sanadkii 1900 taasina “waa xasuuq baahsan… oo weliba diiwaan gashan.”

Intii ay codayntu socotey waxaa ka aamusay oo “xaadir,” ku codeeyay laba nin oo kale oo ka socda Jamhuuriga oo ah Rep. Eddie Bernice Johnson oo metela Texas iyo Rep. Paul Gosar oo ka socda Arizona.

Ilhaan ayaa ku doodday in “aqoonsiga xasuuqa aan loo adeegsanin sidii bud looga qayb qaato dagaallo siyaasadeed. Balse waa inay ku dhisnaataa go’aan aqooneed oo ka bannaanka ah is riixriixa siyaasadeed.”

Dadwaynaha Turkiga oo faallooyin ka dhiibanayay warbaahinta Turkiga oo warkan saaka aad u hadal haysa ayaa Ilhaan ku amaanay ”geesinnimo” iyagoo sheegay inay la timid dood waaqici ah.

Ankara ayaa tillaabadan ku tilmaantay mid ujeed siyaasadeed leh, iyadoo ay Wasaaradda Dibedda Turkish-ku ay u yeertey Danjiraha Maraykanka ee dalkaasi, David Satterfield si ay ugu muujiso sida ay xeerkan u diiddan tahay.

Hadalsame Media