Hindiya oo maqaamkii maamul-goboleed ka xayuubisay Jammu & Kashmiir, muran taagan (Wixii maanta ka bilowda Delhi ayaa toos ugu talinaysa)

0

(Srinagar) 31 Okt 2019 – DF Hindiya ayaa si rasmi ah u kala qaybiyay Jamu iyo Kashmiir, iyadoo iska indha tirtay mucaaradad ka hor imanaysey arrintaasi, kaaga darane waxay ka xayuubiyey maqaamkii gobol federaal ah, iyadoo ka dhigtay laba gobol oo toos u hoos taga New Delhi (union territories).

Kashmir qaybta ay Hindiya ka taliso ayaa xaalad deg deg ah oo amaan ku jirtey muddo 3 bilood ku dhow, kaddib markii ay xukuumadda uu hoggaamiyo ninka xag-jirka ku ah aragtida Hindu-nimada ee Narendra Modi oo daaqadda ka xooray ismaamul-hoosaadkii gobolkaasi 5-tii Agoosto, sida inaysan gobolkaa iman karin Hindida kale, inaan dhul laga gadan karin iyo inaan hablohooda la guursan karin.

Yeelkeede, haatan wuxuu qaaday tillaabo kale oo ah in la sameeyo Jamu, Kashmir iyo gabalka yar ee Buddhist-tuhu ku badan yahay ee Ladakh, kuwaasoo toos u wada hoos tegi doona Delhi wixii ka bilowda maanta 31-ka Oktoobar.

Hindiya ayaa kaddib go’aankan waxay Kashmir u dirtay kumannaan askari oo xoojin ah, waxaana weli go’an adeegyadii internet-ka iyo telefoonnada, iyadoo dad badan xabsiyada la dhigay haween badanna la kufsaday.

Jammu & Kashmir ayaa waxaa ku nool 12.55 milyan oo qof, waxaana caasimad u ahaa Jammu (jiilaalka) iyo Srinagar (xagaaga).

Hadalsame Media