DF Somalia oo laba-laabtay mushaharka Ciidamada Qalabka Sida

0

(Muqdisho) 31 Okt 2019 – DF Somalia ayaa kordhinaysa mushaarka ciidamada oo la laba-laabayo marka la gaaro sanadka 2020, iyadoo laga dhigayo 230 guud ahaan, sida ku cad miisaaniyad ay maanta ansixiyeen Golaha Wasiirrada oo ah tii uu badnayd mudadii burburka.

Miisaaniyadda ayaa waxaa ku jirta 30 milyan oo dollar oo gebi ahaanba loogu tala galay ciidamada, waxaana la sheegayaa in RW Khayrre uu diidey in la kordhiyo miisaaniyadda hay’aadka kale ee dowladda oo ay ku jirto Madaxtooyadu.

Askariga ayaa hadda kaddib heli doona 230 doollar oo u kala dhigan 170 doollar iyo 60 kale oo raashin iyo dawo ah, taasoo ka mid ah miisaaniyadda ay maanta meel mariyeen Golaha Wasiirrada oo gaaraysa 459.5 Milyan oo dollar.

Dowladihii kala dambeeyay ayaa ku dhibanaa bixinta adeegyada bulshada oo uu ku jirto mushaharka Ciidamada oo iminka ah 100 doollar bishii, marka la eego dablayaasha, balse ugu yaraan inta badan haatan waa qaataan mushaharka yar.

Hadalsame Media