Itoobiya oo 7 bilood diyaarinaysay siyaasad cusub oo ay ku wajahayso Somalia, gobolka (Arag siyaasaddii hore)

0

(Addis Ababa) 30 Okt 2019 – DF Itoobiya ayaa soo bandhigaysa siyaasad dibadeed cusub oo bedeleeysa middii ay Tigreegu sameeyeen 24 sanadood kahor, sida uu sheegay Afhayeen u hadlay Wasaarad Dibadeedka dalkaasi, Nebiat Getachew, oo warfaafinta la hadlay.

Itoobiya ayaa siyaasad dibadeedkeeda haatan u aragtay mid daxalaysatey oo aan la jaanqaadi karin xaaladaha dhaqaale iyo kuwa siyaasadeed ee haatan taagan.

RW Abiy ayaa markii uu xilka qabtay Abriil 2018, wuxuu ballan qaaday inuu doorinayo siyaasadda dibadeed ee dalkiisa, isagoo markan saamaynta ku raadinaya awoodda jilicsan (soft power), si uu u wajoho xasaradaha Geeska Afrika oo ay ka taagan yihiin dano iyo ujeeddooyin is dardarsan.

Itoobiyaa ayaa siyaasaddeeda dibedda ee cusub diiradda ku saari doonta inay ka fogaato wixii khilaafaad ah, si ay usoo jiidato taageero iyo maalgashi dhaqaale, ay uga qayb qaadato arrimaha amaanka, in la kobciyo garaadka dadka iyo in sare loo qaado sumcadda iyo muuqaalka caalamiga ah ee Itoobiya.

Siyaasaddan cusub ayaa ka duulaysa in Itoobiya ay 24 sano kahor ahayd 60 milyan, balse haatan ay tahay 100 milyan, iyadoo kaddib markii la dhameeyay colaadii Ethiopia iyo Eritrea, iyo beddelka siyaasaddii lagu wajahayey dalka deriska ah ee Somalia, loo baahan yahay in gebi ahaanba weji kale loo yeelo siyaasad dibadeedka Itoobiya, sida uu sheegay Nebiat.

Siyaasaddan cusub ayaa waxaa 7-dii bilood ee ugu dambeeyay diyaarinayay diblomaasiyiin iyo aqoonyahanno ka tirsan jaamacadaha dalkaasi.

RW Abiy, Ahmed ayaa sidoo kale heshiis dhex dhigay Eritrea iyo Jabuuti, waanwaan ka galay xaaladda South Sudan iyo Sudan, isagoo horraantii bishan hantan Biladda Nabadda ee Nobeelka.

Itoobiya ayaa tan iyo jiritaankeedii dalka Somalia ku wajahaysey siyaasad wejiyo badan leh, balse markasta ka dhan ahayd Somalia, taasoo mar is ballaarin ahayd (expansionism), mar xakamayn ahayd (containment), 24-kii sano ee ugu dambeeyayna ku dhisnayd in la hor istaago soo kabashada Somalia (conflict maintenance), taasoo sanadkii hore woxoogaa debecdey.

Hadalsame Media