Ronaldo oo la saadaaliyay inuu ku guulaysanayo Ballon d’Or 2019

0

(Paris) 29 Okt 2019 – Majaladda France Football ee fadhigeedu yahay dalka Faransiiska isla markaana bixisa abaal-marinta xiisaha badan ee Ballon d’Or sannad kasta ayaa waxay tilmaamtay in xiddiga reer Portugal iyo kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo uu ku dhow yahay inuu ku guuleysto sannadkan 2019.

Wargeyska “Tuttosport” ee dalka Talyaaniga ayaa wuxuu shaaca ka qaaday maanta oo Isniin ah in wefdi ka socda majaladda France Football ay booqdeen xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo oo 34-jir ah, waxayna la yeesheen wareysi si loogu daabaco majalada maalmaha soo socda.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in booqashadan iyo wareysigan ay la qaateen majaladda France Football xiddigii hore kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ay ka dhigeyso inuu ku dhow yahay ku guuleysiga abaal-marinta xiisaha badan Ballon d’Or 2019 markii lixaad, waxaana haddii ay arrintaas dhacdo uu kaga sari mari doonaa Lionel Messi oo abaal-marintan ku horey ugu guuleystay shan jeer.

Majalada France Football ayaa si rasmi ah u shaacisay maalmo ka hor liiska musharixiinta abaal-marinta Ballon d’Or 2019, kuwaasoo ay ku jiraan magacyada 30 ciyaartoy.

Liiska musharixiinta abaal-marinta Ballon d’Or ee ah xiddiga ugu fiican adduunka sannadka 2019, ayaa waxaa qeyb ka ah Cristiano Ronaldo, kaasoo ay Majalada France Football u aragto inuu yahay xiddig saameyn ku lahaa kooxdiisa Juventus iyo xulkiisa qaranka Portugal muddooyinkii lasoo dhaafay, kaddib markii uu la qaaday horyaalka Serie A iyo koobka UEFA Nations League.

Waxaa Diyaariyay: Cabdiraxmaan Cali Dheere

Hadalsame Media