MW Siciid Deni oo ku baaqay tillaabo wax ku ool ah oo aad loogu baahnaa!

0

(Garoowe) 29 Okt 2019 – Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni ayaa ballan qaaday in ka maamul ahaan ay ka qeyb gelayaan howlaha gurmadka ah ee loo fidinayo dadka ku barakacay fatahaadda magaalada Beledweyne ee caasimadda gobolka Hiiraan.

Guddiga Gurmadka Qaranka ayaa shalay Somaliland iyo Puntland ka dalbaday in ay ka qeyb qaataan, sidii loo samata bixin lahaa dadka ay sameysay fatahaada wabiga Shabelle, wuxuuna warka Deni u egyahay jawaabtii ugu horreeysey ee baaqaa ku wajahan.

“Puntland, Dowlad iyo Shacab ahaanba waxay dhibka iyo xanuunka ay wajahayaan la qabysanayaan walaalaha Soomaaliyeed ee ay waxyeellada laxaadka lihi kasoo gaartay fatahaadda webiyada Shabeelle iyo Jubba.” ayuu yiri Md Deni oo sidoo kale ka tacsiyeeyay dadkii shalay halkaa ku dhintay oo ay ka mid ahaayeen madax ka tirsan maamulka HirShabeelle.

“Waxaa lama huraan ah in laga tabaabusheysto sidii lagaga gaashaaman lahaa fatahaadaha soo noq-noqda ee geysta khasaare nafeed iyo mid dhaqaale oo baaxad leh.” ayuu daba dhifay Madaxweynaha Puntland.

DF Somalia oo aan weli wax gurmad ah oo la taaban karo aan goobta gaynin ayaa dhanka kale bilowday qayla dhaan caalami ah iyo mid maxalli ah, si loogu gurmado dadka ku barakacay degaanno ka tirsan HirShabelle iyo KG.

Hadalsame Media