Kooxda Daacish oo xil ugu magacoowday nin lagu naanayso ”Dilaaga naxariista daran!” (Isaga & Saddaan Xuseen oo…)

0

(Idlib) 29 Okt 2019 – Kooxda sii dumaysa ee Daacish ayaa yeelatay hoggaan cusub — kaasoo ah naxariis laawe horay ula shaqayn jirey Saddam Hussein kaasoo lagu naanayso “Burburiyaha,” sida lasoo werinayo.

Abdullah Qardash oo awalba howsha inta badan sii wadey, isla markaana ku lug lahaa dilal badan oo shareecada ka dhan ah, ayaa xukunka la wareegey kaddib dilkii hoggaankii hore Abu Bakr al-Baghdadi oo Sabtigii is qarxiyay isagoo ay la joogaan qaar ka mid ah carruurtiisa, kaddib markii la hareereeyay.

“Baghdadi wuxuu uun ahaa madaxa sare, ee howlaha maalinlaha ah waxaa wadey ninkan,” ayuu sarkaal ka tirsan Sirdoonka gobolku u sheegay Newsweek. “Baghdadi haa iyo maya unbuu dhihi jirey — qorshaha shuqul kuma lahayn.” ayuu daba dhigay.

Qardash ayaa la sheegay inuu ka mid ahaan jirey saraakiishii daacadda u ahayd Baghdadi kaddib markii ay isku barteen xabsiga Camp Bucca oo ku yaalla Basra halkaasoo ay ciidamada Maraykanku ugu hayeen eedo la xiriira inay xiriir la lahaayeen Qaeda sanaddii 2003, sida ku qoran Times of London.

Baghdadi ayaa kahor geeridiisa wuxuu awoodo badan siiyay  Qardash, oo magaciisa marmar loogu dhawaaqo Kardesh, laguna yaqaanno dejinta qorshayaal aad uga fog naxariista iyo insaaniyadda iskaba Islaannimo e, sida ku qoran Times.

Hadalsame Media