XOG DAHSOON: Maxaan ka ognahay 2 kamid ah arrimaha ay isku hayaan Madaxtooyada & Guddoonka Baarlamaanka Puntland?

0

(Hadalsame) 28 Okt 2019 – Warsidaha PuntlandTimes wuxuu ogaaday sababaha ka dambeeya in ay is qabtaan Madaxtooyada iyo guddoonka baarlamaanka, gaar ahaana arrimaha dhacdadan soo dadajiyey oo ahayd dhawr qodob oo waa weyn saameyna ku yeelanaya mustaqbalka Puntland.

Madaxweynaha Puntland & Saaxiibadiisa gaarka ah ayaa tuhun weyn ka qaba arrimaha ku saabsan in xildhibaanada gobalka Barri ay ka soo horjeestaan heshiisyada Imaaraatka Carabta ee lagula galay gobalkaas Barri.

Mudanayaasha gobalka Barri oo afar habeen kahor kulan ku yeeshay magaalada Garoowe, waxay isku raaceen in ay dood adag ka yeeshaan heshiisyadaas oo ay xukuumadda ku qasbaan in ay cadeyso qodobada oo dhan.

Doodda weyn ee taagan ayaa ah in dib loo eego Heshiiskii Shirkada Imaaraatka Carabta ee DP WORLD kula wareegtay marsada magaalada Boosaaso, taas oo ah hadal-heyn weyn oo kalfadhigii hore Ajendaha ku jirtay.

Warsidaha Puntlandtimes wuxuu ogaaday in xildhibaanadii uu codadkooda ku guuleystay Madaxweyne Deni afar kamid ah ay bilaabeen qorshaha ku wajahan in mashaariicda la xaqiijiyo oo banaan yaal laga dhigo.

Madaxtooyada ayaa ka welwelsan in haddii la furo heshiisyadan ay ka dhalan karaan doodo siyaasadeed iyo is weydiimo xoog badan oo saameyn ku yeesha mustaqbalka siyaasadda dalka, waxayna go`aamisay in aan waqtigan la horgeynin  baarlamaanka.

Laakiin, haddii aan lahorgeyn caqabad kale ayaa haysata Dawladda oo kuwajahan in aysan Imaaraatka Carabtu u dhaqaaqi doonin arrimaha ku wajahan Mashaariicda, taas oo Iyana ah dhacdo kale oo xasaasi ah.

Saaxiibada Madaxweynaha (AaranJaan) waxay aaminsan yihiin in haddii aan saameyn lagu yeelan gudaha baarlamaanka ay adkaan doonaan mashaariic culus oo ay ka sameyn lahaayeen gudaha Puntland, gaar ahaana kuwa wadamada qaarkood iyo shirkadaha lala galayo.

Arrimaha ku saabsan Federaalka iyo Doorashooyinka soo wajahan waa caqabad kale oo ay Madaxtooyadu u aragto Gudoomiyaha baarlamaanka Dhooba-Daareed in aysan ka gudbi karin, waxayna xooga saaraysaa sidii ay meelmar uga dhigi lahayd ka hor bisha December in ay saarto gudoomiyaha baarlamaanka.

Doodaha xiisaha leh ayaa ah in qoladii hadda guuleysataa ay ku shaqeyn doonto xaalad adag oo aan caadi aheyn, gaar ahaana Madaxtooyadu haddii ay guuleysato waa in la helaa kalsoonida shacabka oo meesha ka maqan, loona arko duulaanka Xukuumadda ee golaha Wakiilada mid sharci darro ah.

Xigasho: PuntlandTimes

Hadalsame Media