Xildhibaanno Uganda ka socda oo Muqdisho ku sugan oo qaadaya tillaabo NAADIR ah!! (Waa maxay?)

0

(Muqdisho) 27 Okt 2019 – Wefdi Xildhibaanno ah oo ka socda Baarlamanka dalka Uganda oo dhowaan Muqdisho tegey, ayaa booqanaya xeryaha ay Ciidamadoodu ka deggan yihiin caasimadda, si baa la yiri ay ula socdaan heerarka nololeed ee ciidankooda.

Wefdigan oo uu hoggaaminayo Wasiiru Dowle Engola Okello iyo Guddoonka Guddiga Difaaca iyo Amaanka Baarlamanka, Doreen Amule ayaa waraystay ciidamadii ay booqdeen, gaar ahaan saraakiisha heeganka leh.

Wefdigan ayaa sidoo kale sheegay inay dhici karto inay booqdaan xeryaha ay ciidamadoodu ku leeyahay furunta hore, taasoo loo arkay aragti tacabur ah.

Sababtu waxay tahay xeryaha ay ciidamadaasi ku leeyihiin Shabeellooyinka, waxay inta badan weerarro uga yimaadaan dhanka kooxda Al Shabaab oo ku qaadda weerarro ku dhufoo ka dhaqaaq ah.

Hadalsame Media