QAYBI OO QALO: ”Siyaasiyoow waa BEENTAA shacabku cadow iskuma aha!”

0

(Hadalsame) 27 Okt 2019 – Waa beentaa ee Cadow iskuma nihin. Siyaasiga Soomaaliga ah qorshahiisa Siyaasadeed ee xilig oo olole galayo uu ku galo waa in uu beeshiisa ugu sheekeeyo in beelaha kale ee soomaaliyeeed cadow u yahiin.

waa qeyb ka mid ah han yaraanta iyo in uusan lahayn aragti siyaasaddee iyo hadaf uu rabo in uu wax ku maamulo balse inta u muuqata ay tahay inta indhihiisu arkaan.

inta aan taas ka dhagaysanayno waa ayaan darro iyo dib u dhac aan wadada u xaarayno.

waxaan la hadlayaa adiga soomaaliga ah ee qoraalkaan akhrinaya! Ma jiraa qof Soomaali ah oo Cadowgaaga ah? waxaan hubaa in uusan jirin, balse uu jiro qof Soomaali ah oo aad kala aragti duwan tahiin.

In aad qof kala aragti duwanaataan cadownimo maaha ee waa dabeecaddaha dadka Allaah uu u sameeyay, inteena badan waxaan la kulanaa siyaasi kuugu sheekaynaya in uu ku neceb yahay qof kale ee soomaali ah, weli ma waydiisay qofkaas ismaba naqaane see ii neceb yahay ama cadow iigu yahay.

Ha noqon qof xabsi kugu jira waxaan jirin , haddi kale waxaad noqonaysaa qof mustaqbal xun daris la ah.

qofkasta booska uu mudan yahay dhig adiga oo aan qof kale aragtidiisa ku cabirayn.

Waxaa Qoray: Saciid Muuse Shire

Hadalsame Media

 

Facebook Comments