MW Siciid Deni oo siyaasad nooc cusub ah ka bilaabay Puntland (Amarro la bixiyay oo durba lagu dhaqaaqay))

0

(Garoowe) 27 Okt 2019 – Madaxtooyada Puntland ayaa si toos ah ugu amartay gudoomiyayaasha gobalada Puntland oo dhan ina y isku soo saaraan dad kala duwan oo ay la hadlaan warbaahinta lana difaaco Madaxweynaha iyo xukuumadiisa, loogana digo ficilada ay wadaan mudanayaasha baarlamaanka.

Warsidaha PuntlandTimes oo la xariiray maamulada gobalada Nugaal, Barri, Karkaar, Sanaag & Mudug ayay u xaqiijiyeen qabashada kulamadan oo ay sheegeen in ay tahay amar ka yimi wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland.

Talaabada kulamadan lagu qabanayo ayaa ah in lagu taageero Madaxweynaha & xildhibaanada garabkiisa ah, baarlamaanka kasoo horjeedana lagu sheego in ay taagero kahaystaan dhinaca dawladda Faderaalka Soomaaliya.

Gudoomiyayaasha gobalada ayaa iskugu yeeraya qaarkood hadda Nabadoonada oo ay u howlgaleen sidii meelmar looga dhigi lahaa qorshaha Madaxtooyada Puntland, waxaana shalay galab fuliyey amarkaas gudoomiyaha gobalka Nugaal oo kulan ku qabtay xarunta gobalka warbaahin koobana u yeertay.

Sidaas oo kale, Shaqaalaha dawladda ayaa wajahaya cadaadis xoog badan oo ah in ay baraha bulshada ka taageeraan qorshaha Madaxtooyada, ayna muujiyaan sida ay uga soo horjeedaan ficilada ku wajahan la xisaabtam ka yimaada baarlamaanka.

Qorshahan hadda ay qaadatay Xukuumadda Puntland ayaa ah mid ay horey ugu eedeyn jirtay Xukuumadda Faderaalka ee Soomaaliya, waxaana muuqata in uu jiro culeys weyn oo ay waqtigan wajahayso Madaxtooyadu.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa shalay ka carooday kalfadhigii baarlamaanka, markii la weydiiyey hal su`aal oo ku saabsan ammaanka, siyaasadda iyo wax qabadka xukuumadiisa jirsatay 9-ka bilood.

Xigasho: PuntlandTimes

Hadalsame Media