FADEEXAD: ”Qaarkood baa noo sheega inay 8 xaas qabaan!!” – Safaaradda Turkiga ee Muqdisho oo ka sheegatay Xildhibaanno ka faashleeya fiisaha Turkiga (Dacwo ay gudbiyeen)

0

(Muqdisho) 27 Okt 2019 – Danjiraha Safaaradda Turkiga ee Somalia ayaa la sheegayaa inuu dhowaantan warqad askhtako ah oo rasmi ah u gudbiyay Xafiisyada Raysal Wasaaraha Somalia iyo Baarlamaanka, isagoo ka cabanaya xildhibaanno qaab musuq ah dal ku gallo fara badan uga doonta Safaaradda, weliba si joogto ah oo maalinle ah.

Xildhibaannada iyo saraakiil ka wada tirsan DF ayaa lagu eedeeyay inay maalin kasta Safaaradda hor taagan yihiin iyagoo faa’iido ka raadiya FIISE ay Safaaradda ka qaadaan deetana ay kasii iibiyaan dad Yurub ka gala dhanka Turkiga.

Ugu yaraan 15 Xildhibaan iyo saraakiil kale ayaa la diiwaan geliyay kaddibna waxaa dacwo ka dhan ah loo gudbiyay laamaha dowladda – iyadoo lagu eedaynayo inay lacago aad qaali u ah kusii gadaan fiiseyaal iyaga shakhsiyan la siiyay.

“Qaarkood waxay noo keeneen ilaa 8 naagood oo ay sheeganayaan inay qabaan, waxaana u sheegnay inaysan qabi karin wax ka badan 4 xaas sida ay qabto Shareecadu” ayay u akhrismaysaa ashtakada uu soo gudbiyay Danjiruhu.

Safaaradda ayaa si ay ceebtan iyo fadeexaddan u baajiso waxay arrimaha fiisaha u xilsaartay hay’ad gaar ah, maadaama aanay Safaaraddu diidi karin inay Xildhibaanada iyo Madaxda kale ee DF soo galaan Safaaradda gudeheeda.

Dhanka kale, arrintan ayaa shacabkii caadiga ahaa aad ugu adkaysay inay fiise ka doontaan Safaaradda maadaama aanba laga lug baxaynin kuwii madaxda sheeganayay oo ah anaaniyaal dantooda oo qura eeganaya, waxaana shacabka fiisaha aan heli karin ama ku khasban inay kharashaad badan bixiyaan – xaaladdan darteed – ka mid ah dad badan oo ama buka ama waxbarasho iyo ganacsi u tegi lahaa Turkiga.

DF Somalia weli kama hadal arrintan oo u baahan xal deg deg ah.

Hadalsame Media