DHEGEYSO: ”Culimada waxaan leeyahay haddaad siyaasad rabtaan KITAABKA meel soo dhigta!” – Senatar Faroole

0

(Garoowe) 27 Okt 2019 – Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud ”Faroole” ayaa mar uu shalay khudbad ka jeedinayay kalfadhigii Baarlamaanka Puntland, wuxuu soo jeediyay in sida uu yiri ay ”culimadda ku fiican tahay in aysan siyaasadda ka hadlin.”

Faroole oo haatan ah Senatar ka tirsan Aqalka Sare balse inta badan iska wata siyaasado isaga u gaar ah, naadirna ay tahay inuu xaadiro kulamada Aqalka Sare ayaa tilmaamay in siyaasadda dad gaar ah loo igmaday ayna tahay in iyaga loo daayo.

Wuxuu tibaaxay inay Puntland ka jiraan dad badan oo dhibaatooyin ku haya oo loo baahan yahay in laga qabto, islamarkaana si wadajir ah loo ilaaliyo midnimada shacabka degaanada maamulka Puntland.

“Culumada waxaan leeyahay Haddaad siyaasad rabtaan kitaabka meel soo dhigta midka siyaasadda soo qaata, laakiin idin ka yeeli mayno in aad masaajidada dadka faraha kaga fiiq fiiqdaan, idinka waana laydinku fiiqayaa waana iska kiin celinayna amba sheekh baan ahay ima harowsan kartaan” ayuu ku falax gooddiyey Md Senator Faroole.

Halkan hoose ka dhegeyso…

 

Hadalsame Media