MW Saciid Deni oo isagoo caraysan ka baxay kulankii Baarlamanka Puntland (Maxaa dhacay?)

0

(Garoowe) 26 Okt 2019 – MW Maamulka Puntland, Md Saciid Deni, ayaa isagoo caraysan dibedda uga baxay Baarlaman goboleedka Puntland kaddib markii su’aalo kulul lagu kediyay.

”9-bilood kaddib waxaa la moodaa in la joogo maalmihii ugu dambeeyay muddo xileedkaada, waxaa burburay kalsoonidii bulshada, waxay dadku welwel ka qabaan jiritaankooda. Xitaa masaajidyada ayaa laga qanuuday, marka soow ma habboona inaad xafiiska bannaysaan intaan Baarlamanku jawaab ka bixin dareenka dadwaynaha ay metelaan.” ayuu waydiiyay xildhibaan Cawil.

Kaddib MW Puntlanad, Md Saciid Deni ayaa warkii qaatay, wuxuuna sheegay inay wax badan amniga ka qabteen, isla markaana ay tababar geliyeen qaar ka tirsan ciidamada maxalliga ah, wuxuu kaloo sheegay inay mushaharka bixiyaan. ”Kuwii aad mushaharka siin wayday markii aad Agaasimaha ahayd ayaa ka mid ah,” ayuu yiri.

”Mudane Guddoomiye, Madaxwaynuhu su’aalahayga haka jawaabo, meelo kale ayuu marayaa!” ayuu yiri Xil. Cawil Daad isagoo dhex gelaya hadalka Deni.

Markii ay halkaa marayso ayuu Deni wuxuu muujiyay inuu yara caroodey. ”Waad aamusaysaa, dhegeyso, nidaamka dowliga ah haddaadan raacinna adigaa mas’uuliyadeeda qaadaya!. Ma ihi nin la cabsi gelin karo ama loo sheegayo mas’uuliyaddiisa iyo wixii loo doortay” ayuu ku jawaabey Md Deni oo markiiba madasha ka baxay isagoo maqlaya sawaxan iskugu jira sacab taageero ah iyo orrin mucaaradad ah.

Waxaa horay u jirtey hadallo hoose oo sheegayay in uu socdo mooshin la doonayo xil ka qaadis ka dhan ah madaxda sare oo iska soo horjeeda, kuwaasoo ka dhan ah Guddoonka Baarlamanka ama Madaxwayanaha maamulkaasi.

Hadalsame Media