DEG DEG: Gonzalo Higuain oo isbitaalka loola cararay kaddib ciyaartii Lecce + Sawirro

0

(Lecce) 26 Okt 2019 – Qannaaska Juventus ee Gonzalo Higuain ayaa isbitaalka loola cararay si baaritaanno loogu sameeyay kaddib markii la tolay, iyadoo ay isku dheceen laacib kale ciyaartii 1-1 ku dhamaatay ee Lecce.

Shilkan ayaa dhacay qaybihii dhamaadka ee ciyaarta oo ka tirsan Serie A ee ka dhacday Stadio Via del Mare, kaddib markii uu goolwale Gabriel u boodey inuu kubadda feero, balse uu xusulkiisu ku dhacay foolka Higuain.

Pipita ayaa ku adkaystay inuu ciyaarta dhamaysanayo, gaar ahaan maadaama ay Juve bedel dhamaysatay, waxaana la arkayay isagoo ku xanaaqaya dhakhaatiirtii dawaynaysay, si ay u deg degaan.

Yeelkeede, kaddib dhamaadkii ciyaarta ayaa laacibka reer Argentina wuxuu ku dhacay dhulka isagoo woxoogaa dawakhsanaa, waxaana la geeyay qolka lebbiska si loo tolo oo dhowr qodob loo saaro. Waxaa laacibka la dhigay isbitaalka sida uu qorayo Sky Sport Italia.

Hadalsame Media