GAR-WAAQSI: Shacabku xaq ayay u leeyihiin inay sheegaan khaladaadka Xukuumadda

0

(Hadalsame) 25 Okt 2019 – Hogaanka Xumaamadda dalka waxay ku qasban yihiin In shacabka Soomaaliyeed ay la wadaagto marxada uu dalkooda uu maraayo ha noqoto mid hurumar iyo caqabada kastaa ee ka hor imaan karta dalkooda si ay qayb uga noqdaan.

Sidoo kale waa inay dhaqeeystaan guuxa shacabka si wax looga badalo arimaha ay tabanayaan ee markaa taagan, waa se haddii ay yihiin kuwo waaqici ah oo loo qaateen ah ama run ah.

1 – Aamustaanta xukuumadda:

Aamusnaantaasi waxay shacabka Soomaaliyeed ku abuurtay jah-wareer, siyaasadeed, tasoo fursad siineeysa In shacabkii wixii la doono dhegaha loogu shubo. Amuusnaanta xukuumadda waa mid aan sharci iyo nidaam dowladeedba ku fadhinin, waayo shacabka wuxuu xaq u leeyahay inuu ogaado siyaasada dalkiisa uu ku wajahaayo arimaha xasaasiga ee qarankooda.

2 – Golaha Wasiiradda dowladda:

Inta badan galaha Wasiiradda waa kuwa aan aqoon iyo xirfad dowladnimo lahayn oo intooda badan aan waxba qabanin, taasi waxay dalka Soomaaliya u horseedi kartaa in dalka iyo dadkaba aan shaqo loo qaban oo la lumiyo waqti iyo fursad muhiim u ah dalka.

Sedexda qodob aan soo xusay, waa mid aan xaq dastuuriyan aan ugu leenahay inaan ka helo dowladda oo aan codsano, Waxaan rajeeynayaa in arimahaas wax laga badalo si dalkaan hore ugu sii socdo.

Wa bilaahi towfiiq

Waxaa Qoray: Sheekh Nuur A Qaasim

Hadalsame Media

Facebook Comments