SAWIRRO: Wefdi heer sare ah oo QM ka socda oo Muqdisho tegey (Kulan ay la yeesheen RW Khayrre, Guddoonka Doorashooyinka & ururrada haweenka)

0

(Muqdisho) 23 Okt 2019 – Booqashada Somalia, ku xiggeenka Xoghayaha Guud ee QM oo ku baaqay in haweenka laga qayb geliyo dedaallada nabadda iyo horumarinta.

Booqasho ay ku tagtay Muqdisho oo ujeedkeedu ahaa sidii ay haweenka Somalia hiillo ugu muujin lahayd, Amina Mohammed, ayaa ku baaqday inay haweenku si buuxda uga qayb galaan howlaha nabadaynta, amaanka iyo horumarinta.

Tillaabadan oo qayb ka ah barnaamij ay iska kaashanayaan QM iyo Midowga Afrika oo gobolka ka soconayay maalmihii yaraa ee ugu dambeeyay, ayay Ms. Mohammed Somalia u tagtay maanta. Wefdigeeda waxaa ka mid ahaa Bineta Diop, oo ah ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaybsan Haweenka, Nabadda iyo Amaanka iyo Parfait Onanga-Anyanga, ergayga gaarka ah ee QM ugu qaybsan Geeska Afrika.

“Waa waaya aragnimo cajiib ah. Waxaannu dowladda la yeelannay kulan aannu ugu cadaynayno halka ay tahay in isbedello laga sameeyo, marka la eego qorshayaasha iyo sharciyada ay soo gudbinayaan, sidoo kale waxaannu talooyin ka siinnay dhanka geedi socodyada doorashooyinka,” ayay saxaafadda u sheegtay kaddib dhamaadkii kulanka.

Horraantii, waxay la kulantay Raysal Wasaaraha Somalia, Hassan Ali Khayre, iyo golihiisa wasiirrada.  Kulanku wuxuu ka dhacay Xafiiiska Raysal Wasaaraha ee Muqdisho.

Wada hadalladu waxay diiradda saarayeen doorashada soo socota ee la doonayo in laga dhigo qof iyo cod 2020/2021, geeddi socodka dhamaystirka dastuurka, qoondada haweenka ee doorashada iyo ka qaybgalka haweenka ee dhinacyada kale ee nolosha sida ganacsiga.

“Waxaannu dhegeysanney dhinacyada kala duwan, iyadoo uu dedaalku yahay sidii ay haweenku udub dhexaad ugu noqon lahaayeen dib u dhalashada iyo raysiga ama bogsiga qaranka (Somalia) oo ay fursado badani hor yaallaan,” ayay tiri Amina.

Ms. Mohammed ayaa sidoo kale kulan gooni ah la qaadatay wakiillo ka socdey haweenka hoggaamiya ururrada bulshada rayidka ah; Guddoonka Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashada Qaranka, Halima Ibrahim Ismail; iyo saraakiil ka socda hay’adaha QM iyo barnaamijyada ka socda Somalia ee ay wadaan.

“Waxaan aad ugu faraxsan nahay inaan arko haween hoggaaminaya Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashada Qaranka. Waxaan rumaysan nahay madax bannaanida iyo amaanada haweenka,” ayay hoosta ka xarriiqday.

Ku xigeenka Xoghayaha Guud ee QM ayaa ballan qaadday in QM ay sii wadayso taageerada jidka ay Somalia u qaadayso dhanka nabadda, isla markaana ay asaas ka dhigayso baahida dumarka iyo da’yarta si ay uga qayb galaan howlaha dib u dhiska dagaallada kaddib.

“Waxaannu qof kasta ku boorrinaynaa inuu la jaan qaado waagan cusub ee baryay, si ay bulshada oo dhami uga qayb gasho waayaha cusub ee Somalia,” ayay raacisay.

Hadalsame Media