Halis ay DF Somalia iska indha tirayso oo kasoo fool leh Itoobiya (Maxaadan ogayn?)

0

(Addis Ababa) 24 Okt 2019 – Masar iyo Itoobiya waxaa wali ka taagan xiisadda biya xireenka Wabiga Niil ee Al-nahda. Marar badan ayaa hanjabaad  hawada la isu mariyaa waxaana u danbeeyey Ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo sheegay in Dalkiisa Dagaal uu ka galayo Al-nahda.

Masar waxay ilaa 15 heshiis ka gashay biyaha wabiga niil, laga soo bilaabo xilligii guumaystaha, waxaana u danbeeyey heshiiskii 1993- dii Mubaarak iyo Malis sanaawi dhex-maray.

Heshiisyadaas waxay ku qotomeen in biyaha Masar aado aanan la xirin, waxna loo dhimin. Heshiisyadaas laguma xad-gudbi karo waxayna qayb ka yihiin Xeerka Caalamiga ah, Masarna waxay dacwad gayn kartaa Garsoor Caalami ah.

Markii intaas laga soo tago Masar waa Dal leh, ilbaxnimo fog, Aqoon durugsan iyo awood Ciidan.

Soomaaliya oo ku tiirsan xoolaha iyo beeraha waxaa maro labo wabbi oo ka imaado Itoobiya. “Jubba iyo Shabeelle”. Mid kasta waxuu maraa Saddex gobal oo dhul-beereedka ugu badan ah.

Hoggaamiyihii Itoobiya 1964-tii waxuu ku hanjabay in uu qalajin doona ilaha biyaha Soomaaliya aada markii uu dhacay dagaalkii koobnaa. Haatan sanad ama laba mar ayuu guraa webiga Shabeelle, halka uu biyo yareeyo midka Jubba.

Dr Cabay Axmad, Rasiiul Wasaaraha Itoobiya ee haatan  talada hayo mar uu  ka hadlaayey Dakadaha Soomaaliya in uu maalgashto  waxaa hadalkiisa ku jiray: ” Biyaha dhanaha lama cabbi karo” oo uu ka waday biyaha macaan Itoobiya ayey idin kaga imaadaan, baddana lama cabbi karo.

Ma jiro wax heshiis ah oon ka galnay biyaha webiyada, Caalamkana waxuu uu gali rabaa waxa loogu yeero  Dagaalka biyaha iyo Dekadaha “حرب المياه والمواني”.

Dowladaha waxay ka fakarayaan Amniga biyaha, oo ka muhiimsan ama ugu horreeya Amniga caadiga ah. Xukuumadihii dalka iskaga dambeeyay arrintan waxba kama qabanin.

Haddii 2009-kii  lagu baraarugay in Kenya ay Khariid iskeed ah  ka samaysay Xaduud badeedka Labada Dal 2005-tii, goorma ayaa lagu  baraarugi doonaa wabbiyadii oo xiran?.

W/Q: Garyaqaan Cali Sheikh Aadan Yuusuf  “Cali Soomaali”

Farriin-Danabeed: Calisomali400@gmail.com

Hadalsame Media