DAAWO: Qoyska MW Muuse Biixi oo lagu eedeeyay inay ”boobayaan” dhul ay dad danyar ihi deggan yihiin!!

0

(Hargaysa) 24 Okt 2019 – Waxaa halkii laga dumiyay hooygooda hor taagan ilmo yar yar oo isuma qaddo ah oo gurigoodii laga dumiyay, hooyadood oo iska dan yar ahna ay muddo 6 habeen ah xabsi ugu jirto maamulka Somaliland.

Qoyskani dhibku ku gaar ma aha oo waxaa sidoo kale sheeganaya dadka degaanka oo Horncable TV u sheegay in sida ay yiraahdeen uu qoyska Madaxwaynaha Somaliland ku amray inay iskaga guuraan boosaska ama jagooyinka ay deggan yihiin.

”Waxaan ahay 70-jir, halkanina waa meeshii aan ku dhashay, in yar oo aannu qax ku maqnaa mooyaane inta kale halkan unbaan ku noolaa!” ayay tiri hooyo waayeel ah oo ka mid ah dadka degaanka.

Rag ka socda labada xisbi ee Ucid iyo Waddani iyo Xildhibaan ka tirsan Aqalka Wakiillada ayaa Madaxwaynaha Somaliland ugu baaqay in uu arrintan si kale u dhigo.

”Ilaahoow waad u jeeddaa, Madaxwaynihii aannu doorannay, ee aannu mujaahidka moodaynay ee dadkii boosaskoodii kusoo noqonaaya, Ilaahoow waad aragtaa!” ayuu yiri Md Nac Nac.

Waxaa meesha ku yaalla guryo fillooyin ah oo sida ay sheegeen horay ay rukhsado iyo faylal u siiyeen nidaamyadii Somaliland, balse iminka lagu leeyahay ”dumiya annaga iska leh dhulkee!”.

Hadalsame Media