Sidee lagu gaaraa DARAJO sare? Ha daalin e samee dhowr isku day!

0

(Hadalsame) 23 Okt 2019 – Dhowr isku day Samee si aad mid kamid ah ugu guuleysato, waa nidaam ay ku dhaqmaan dadka garaadka sarreeya,

Badankeenu waxaan ognahay in libaaxyadu afartii isku-dayba ay mid kamid ah ku guuleystaan, 75% way ku fashilmaan weerarada ay qaadaan waxay ku guuleystaan 25%, iyadoo guushoodu aad u yartay marka loo bar-bar dhigo guuldarradooda haddana libaaxyadu kama daalaan ugaarsiga.

Kalabadh ukumaha kalluunku way baaba’aan iyagoon fiiqmin hadana kalluunku ma yaraado, Roobabka ugu badan ee dunida ka da’a waxay ku da’aan ama ku hooraan badaha, Midhaha ugu badan ee geedaha shimbiraha ayaa cuna, haddana dhirtu ma yaraato.

Balse bani’aadamka oo keliya ayaa quusta hal mar oo uu guul-dareystay darteed!

Laakiin xaqiiqdu waxay tahay in guuldarradu ay tahay wadada guusha, marwalba oo aad fashilanto waxay kuu sii dhaweynaysaa inaad guusha gaarto.

Ha quusan weligaa,ha niyad jebin, ha is dhiibin,dadaalkaaga badi oo Alle talo saaro waad ku guuleysan ugu dambeyn waxa aad higsaneyso.

Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Diyaariye: Mustaf Cawil Xasan

Hadalsame Media