LA YAAB: Gaari sidey maydka 39 qofood oo Iagu qabtay Ingiriiska (Toos u daawo)

0

(Essex) 23 Okt 2019 – Baaris ayaa lagu bilaabay kaddib markii la qabtay gaari ay saaran yihiin maydka 39 qofood – oo uu ku jiro wiil da’yar – kaasoo marayay magaalada Essex.

Howladeennada caafimaadka ayaa goobta u cararay, gaar ahaan goobta Waterglade Industrial Park oo ku taalla Grays, balse markii ay yimaadeen waxay la yaab ka qaadeen inay arkeen maydka 39 qofood oo ku dhex jira gaari meesha yaalley.

Booliiska ayaa haatan baaris ku bilaabay arrintan oo lagu tilmaamay baaris dil middii ugu waynayd taariikhda fog ee Britain, booliiskuna ay ku tilmaameen “musiibo hubban”.

Baarayaasha ayaa markii hore malaynayay inuu gaarigu ka yimid Bulgaria isla markaana uu UK 3 maalmood kahor kasoo galay dhanka Holyhead oo ah Wales.

Yeelkeede, saraakiisha Bulgaria ayaa se arrintan dood ka keenay, waxaana haatan loo badinayaa inuu kasoo baxay Purfleet oo ka tirsan Zeebrugge oo ah Belgium, habeenkii xalay, iyadoo la garan la’yahay maydka saaran.

Nin 25-jir ah oo reer Northern Ireland ah oo gaariga wadey ayaa haatan loo xirey tuhun la xiriira arrintaasi, waxaana magaciisa lagu sheegay Mo Robinson.

Hadalsame Media

Facebook Comments