Ciraaq oo tillaabo sharci ah ka qaadaysa ciidamo Maraykan ah oo dalkaa iska soo galay dowladda oo aan ogayn!!

0

(Baqdaad) 23 Okt 2019 – Dowladda Ciraaq ayaa raadinaysa kaalmo caalami ah kaddib markii ay galbeedka dalkaa iska soo galeen ciidamo Maraykan ah oo kasoo baxay woqooyiga Suuriya, iyagoo aan fasax waydiisan dalka Ciraaq.

Baqdaad ayaa iminka qaadaysa tillaabo sharci ah oo ka dhan ah ciidamadan aan cidi marti qaadin ee halkaa iska yimid, sida uu sheegayo RW Adil Abdul-Mahdi.

”Waxaannu beesha caalamaka iyo QM waydiisanay inay door ka qaataan arrintan.” ayuu yiri.

Wasiirka Gaashaandhigga Maraykanka, Mark Esper, ayaa Talaadadii sheegay in ciidamadani ay Ciraaq u adeegsanayaan goob ay uga safraan dalkooda, balse aanay doonayn inay halkaa iska joogaan, mase sheegin muddada ay taasi kaadan karto.

Hadalsame Media

Facebook Comments