Maxaa shalay ka dhacay Garoowe, yaa eedda leh, sidee se wax u dheceen?!

0

(Garoowe) 22 Okt 2019 – Garoowe oo qiiqdey, Sidee wax u dhaceen shaley? Inta aan ogahay waxa ay aheyd markii ugu horeysey ee Taayiro dab la qabadsiiyay lagu gubbo goobta caanka ah ee barxadda Garoowe, waxaan u soo joogey dhacdooyin badan oo aad iyo aad uga cuslaa arintii dilkii ninkii dhalinyarada ahaa ee sida xaqdarada ah lagu diley ka dhalatay.

Dad careysan

Dad careysan oo u badan Dumar iyo Caruur ayaa taayiro dab ku qabadsiiyay afaafka hore ee Saldhiga Booliska Garoowe oo ku yaal Barxadda, mana jirin wax is hortaag ah oo weyn oo ay sameeyeen Ciidanka Booliska, waxayna sameeyeen wax kasta oo ay sameyn kareen, waxay xireen oo dhagxaan iyo birro ku xireen dhammaan irdaha laga soo galo barxadda. Waxay ka faa’iideysteen haraadigii buburkii guryihi i la dumiyay oo ay u isticmaaleen jidgooyooyin in ay la dhacaan ciidanka iyo dab-damiska, qashinkaas oo aan horey uga qoraal maqaal.

Qiiqa iyo uurada ayaa cirka isku shareeray magaaladuna waxa ay u ekeetay goob colaadeed oo fawdo ah oo aysan ka jirin wax kala dambeyn ah.

Dadkii shalay dhacdadan sameeyay, waxay dambi ka galeen sharciga dalka iyo dhammaan Ummadda Puntland, waxayna mudan yihiin in lagu ciqaabo dambiga ay galleen oo lagu Maxkamadeeyo.

Dilka ALLE ha u naxariistee Marxuumka waxa u ahaa mid aan xaq ahayn, sida laga sheegey goobjoogayaal waxa uu ahaa nin aan hubeysneyn, balse doonayay nin hubeysan iyo Booliska in uu dhexdhexaadiyo, hase ahaatee, waxaa la sheegey nin ka mid ah Booliska uu xabad ku dhuftey.

Maxaa la gudboonaa Booliska ama Ciidanka xasilinta ee hawlgalka ku jirey?

Sida ay ila tahay, waxaa habbooneyd in Boolisku ay Askariga dilka geystey ay qabtaan oo ay Saldhiga geeyaan kana run sheegaan sida ay wax u dhaceen, wayna ka fududaan lahayd sidan maadaama Askariga iyo Marxuumka aysan waxba ka dhaxeyn inta la og yahay ee adhacdo ahaan u dhacay dilkan.

Maxaa laga baran karaa fawdadii shaley?

Waxaa muuqata, in Ciidanka xasiinta ku magacaaban aysan ahayn kuwo ku habboon in ay ka hawlgalaan Caasummadda, waxa ayna ahayd in markii horaba laga doodo in loo baahan yahay Ciidamo lagu asteeyay magaca xasilinta Caaumadda, iyadoo la barbar dhigayo ammaanka oo aad u wanagsan, haddiise loo baahdey ciidan, waxa ay ahayd in la sameeyo ciidan lagu soo xushey aqoon, karti, daacadnimo iyo Illaah aqoon, kuwaaso aqoon u leh sida bulshadda loola shaqeeyo, waajibaadka saaran iyo middka lagu leeyahay.

Ma aha markii ugu horeysey ee Ciidankan ku magacaaban xasilinta magaalada ay dilleen dad shacab ah dhowr qof ayay horey u dilleen.

Gabagabo, waxaa ila habboon in dib u eegis lagu sameeyo Ciidanka xasilinta iyo saraakiishoodaba, waxaa kaloo habboon in dadka deegeenka loo sameeyo wacyigalin ballaaran oo ku aadan wadaniyada, in aan la isku xiriirn karin dhacdo iyo in dab la qabadsiiyo ama la burburiyo jidadka iyo meelaha Ummadda ka dhaxeysa (Public sectors ).

Waxaa Qoray: Axmed Cabdisalaam, Garoowe

Hadalsame Media