”Marna ma dhicin kulan dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Safiirka Mareykanka ee Kenya!” – Dowladda oo hadashay

0

(Nairobi) 23 Okt 2019 – Danjiraha Somalia u fadhiya dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarzan ayaa beeniyay wararka sheegaya in uu dhacay kulan dhex maray MW Somalia Md Maxamed Farmaajo & Danjiraha Maraykanka ee Kenya.

Danjiraha Maraykanka ee DJ McCarter ayaa dhowr mar ku celceliyay in loo baahan yahay in doodda badda ee ay Kenya ku furtay Somalia lagu dhameeyo bannaanka Maxkamadda ICJ.

Yeelkeede, dhiggiisa Somalia u jooga Kenya ayaa goor dhowayd soo qoray sidatan: ”Ummadda Soomaaliyeed waxaan wargalinaynaa inuusan dhicin kulan dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Safiirka Mareykanka ee Kenya xilligii uu booqshada ku yimid Muqdisho oo ahayd dhawr bilood kahor.”

”Wargayska Kenyaanka ah ee qoray warbixintan waxaa looga baahanyahay inuu iska hubiyo warbixinnada uu faafinayo.” ayuu daba dhigay Danjire Tarsan.

Hadalsame Media