”Hal milyan baan diyaarin karnaa haddii dagaal loo baahdo!” – RW Abiy Ahmed oo diray hanjabaad dagaal tii ugu horreeysey! (Dalkee haystaa?)

0

(Addis Ababa) 22 Okt 2019 – RW Ethiopia oo beri dhowayd hantay billada Nobel Peace Prize-ayaa maanta u digey dalka Masar, isagoo sheegay inuu dagaal xitaa diyaar u yahay, balse uu door bidayo in la wada xaajoodo.

RW Abiy Ahmed ayaa warkan sheegay mar uu su’aalo uga jawaabayay Baarlamanka, oo uu si buuxda u hor tegey tan iyo markii uu Nobeelka Nabadda hantay Okt. 11.

Ninkan 43-jirka ah, oo abaalmarinta lagu siiyay isbedellada nabadeed ee uu ka dhex sameeyay dalalka gobolka Geeska Afrika, ayay xildhibaannadu waydiiyeen arrimo badan oo xasaasi ah oo uu ka mid yahay biya xireenka ay Masar muranka ka keentay — Grand Ethiopian Renaissance Dam.

Grand Ethiopia Renaissance Dam (Mabote)

Wada xaajood ay labada dal lahaayeen ayaa burburay horraantii bishan, kaasoo ku saabsan biyo xireenkan oo ay ku baxayso $5 bilyan oo doollar isla markaana ah midka Afrika ugu wayn, kaasoo 70% la dhameeyay, isagoo koronto siin doona 100m oo Itoobiyaan ah, waloow ay Masar taasi u aragto halis istaraatiji ah oo kusoo fool leh maadaama ay dhinmi karaan saamiga ay ka helaan biyaha Niilka, iyadoo ay saxaafadda Masar ay soo jeedisay in la qaado tillaabo ciidan.

“Cid Itoobiya dhismaha biyo xireenkan dagaal uga hor istaagi kartaa ma jirto” ayuu yiri Abiy Ahmed. “Haddii dagaal loo baahdo milyan baan diyaarin karnaa. Haddii ay gantaal soo ridi karaan, qaar kale ayaa bambo adeegsan kara. Balse dani nooguma jirto dagaal.” ayuu raaciyay.

Hadalsame Media