Hal arrin oo BEEN ah oo ay Soomaalida badiyaa ka iibiyeen askartii afgembiga samaysay 1969-kii

0
Mohamed Siad Barre (October 6, 1919 – January 2, 1995) was the President of the Somali Democratic Republic from 1969–91.

The Barre-led military junta that came to power after a coup d'etat in 1969 said it would adapt scientific socialism to the needs of Somalia. It drew heavily from the traditions of China. Volunteer labour harvested and planted crops, and built roads, hospitals and universities. Almost all industry, banks and businesses were nationalised, and cooperative farms were promoted.

After 21 years of military rule, Barre's Supreme Revolutionary Council was eventually forced from power in the early 1990s by a coalition of armed opposition groups. He died in political exile in 1995, but was returned to Somalia for burial in his home region.

(Hadalsame) 22 Okt 2019 – 21-kii Aktoobar 1969-kii dalka ma bulsho kacdoontay baa dawladdii waagaa jirtay ridday mise koox ka mid ah saraakiishii askarta ayaa afgambiyay?

Maya, ee askar baa dawladdii afgembiday. Haddaba kacaankan la sheego ee qof kasta oo soomali ah afkiisa la geliyay muxuu ahaa? Waa been fakatay.

Wax kacaan la yidhaahdo oo dalka ka dhacay muu jirin, sababta oo Kacaanku waa marka bulshadu kacdo ee banaanka u soo baxdo ee ay gilgisho nidaamka, sidii ka dhacday Masar iyo Tunuusiya.

Taasi dalka kamaa ay dhicin ee askar baa taladii dalka xoog kula wareegtay. Waxaana dhaba In Maxamed Siyaad Barre (IHUN) iyo kooxdii afgembiga la samaysay iyaga oo runta ka qarinaaya bulshada inay maroorsigay sameeyeen u bixiyeen KACAAN. Ilaa iminkadaasna dad baa nidaamkii waagaas talada xoogay u yaqaanna kacaan. Waa se been fakatay.

Kacaan kama dhicin dalka ee Afgembi baa ka dhacay. Afgambigaasna waa la eeday oo naf baxday allihii uumaa qaatee, dawladnimadiibaa uu galaaftay oo ilaa hadeed la la’ yahay. Dawladnimo wax ka weyn oo Soomaali waayi lahayd ma jirto, dawladnimadiina askar baa baabi’isay.

Waxaa Qoray: Maxamed Cali-ruush

Hadalsame Media