RASMI: Somalia, Kenya, Eritrea, Ethiopia iyo Djibouti oo isla fulinaya MASHRUUC uu ku baxayo $15 bilyan oo doollar

0

(Washington, DC) 21 Okt 2019 – Wasiirka Maaliyadda Somalia, Abdirahman Duale Beileh, ayaa daboolka ka qaaday jiritaanka mashruuc ballaaran oo ay isla fulinayaan dalalka deriska ah ee, Somalia, Kenya, Eritrea, Ethiopia iyo Djibouti.

Mashruucan oo soconaya muddo 5 sanadood ah, isla markaana ay maaliyad ahaan uu taageerayaan ururka Midowga Yurub, Baanka Adduunka iyo Baanka Horumarinta Afrika, ayaa waxaa ku baxaya $15 bilyan oo doollar, waxaana loogu tala galay in lagu sameeyo jidad, dekedo iyo terminaallo ganacsi oo isku xiraya dalalkan, si loo kobciyo dhaqaalaha gobolka.

“Somalia way ka go’an tahay qaybteeda. Waxaana qabaa inaannu runtii in marka ay wax kaa go’an yihiin aad mucjisooyin samayn kartid,” ayuu yiri Dr Bayle.

FALANAQAYN KOOBAN – Dadka siyaasadda caalamiga ah fahamsan ayaa la socda in Galbeedka oo ka cararaya saamaynta isa soo taraysa ee Shiinaha iyo Ruushku ay dalalkan oo ay qaarkood weli bikro yihiin isla markaana ku fadhiyaan fursado dhaqaale oo aad u qara wayn ay u faa’iidaynayaan kana faa’iidaysanayaan iyagoo maanka ku haya muhiimadda istaraatijiyadeed ee ay leeyihiin.

Hadalsame Media