Ma taqaannaa KHIYAANADA adduunka ugu wayn uguna khatarsan?!!

0

(Hadalsame) 21 Okt 2019 – “Ma jiro wax ka xun khiyaanada qalinka lagu sameeyo, maxaa yeelay rasaasta khaa’inka uu rido qof iyo labo ayey dishaa balse khiyaanada qalinka lagu sameeyo ummad dhan ayey baabi’isaa”

Sidaas waxaa yiri Che Guevara kacaan yahankii iyo halgamaagii gumeysi la dirirka ahaa ee asalkiisu ahaa Reer Arjantiin marna ahaa saaxiibka gacanta midig ee Madaxweynahii hore ee dalka Kuuba Fidel Castro.

Qalinka waa kan macalinka, dhaqtarka, ganacsadaha, qoraaga, siyaasiga xilka haya iyo midka aan heyninba, waxaa ugu sii daran qalinka masuulka xilka haya iyo macalinka jiilasha barbaariya, waana ay isku xiran yihiin marwalba oo siyaasadda waxbarashada ee uu masuulkaa xilka hayaa dajiyo ayuu macalinkana meelmariyaa.

Khiyaanada waa musuqa iyo wax isdaba marinta saxiixa qalinka masuulka xilka hayaa uu sameeyaa taas oo ka khatar badan dhibka uu geysto qabqablaha qoriga wata ee dagaal oogaha ah.

Xabadda qoriga ka dhaceysa wax ay kaliya waxyeeleysaa jirka qofka balse qalinka sida khaldan loo adeegsadaa wax uu dumiyaa maskaxda iyo dadnimada qofka isaga oo nool oo dunida socda.

Qalinka khaa’inka masuulka ah ayaa mar walba ka khatar badan qoriga iyo qaraxa juhalada iyo waxmagaratada loo soo dhiibay.

Dagaalka fikirka ayaa ka muhiimsan kana khatarsan midka xabadda.

Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Diyaariye: Maxamed Dugoow

Hadalsame Media