”Kenyaay iska jir jidkii Tigreega waad ku jabaysaaye!” – Siyaasi caan ah oo u digey

0

(Nairobi) 21 Okt 2019 – Siyaasiga Soomaaliyeed ee Faarax Macallim oo horay Guddoomiye xigeen uga soo noqday Baarlamanka Dhexe ee Kenya ayaa uga digey hal arrin.

Faarax Macallim oo ku dhaqma siyaasad ku salaysan in xitaa haddii dalal kala duwan ama dowlado lakala yahay mar kasta si istaraatiji ah loo ilaaliyo danta guud ee Soomaaliyeed ayaa bartiisa kusoo qoray sidatan:

”Waa jeclahay dalkayga iyo dhamaanba Kenyaanka, balse waxaan si buuxda uga soo horjeedaa dadaal kasta oo lagu doonayo in Somalia saamayn lagu yeesho.”

”Siyaasad kasta oo noocan ihi waxay noqonaysaa ka daroo dibi dhal marka dambe. Waana sababta ugu horreeysey ee uu u burburay nidaamkii Tigreegu. Aan joojinno.” ayuu daba dhigay.

Faarax Macallim ayaa tweet kale ku weeraray siyaasiyiinta Soomaalida ah ee dalal shisheeye ka baryaya in dalkooda lasoo farageliyo oo dadkooda la qaybiyo oo la isku diro.

”Waxay ahaayeen kaaliyayaasha Kornayl Gabre. Hadda waxay wax u bedela ka raadinayaan Kenya, Saudi & UAE.” ayuu yiri.

Hadalsame Media