Somalia oo dhowr dal kala hadashay sidii loo qalabayn lahaa ciidamada Somalia

0

(Muqdisho) 20 Okt 2019 – Somalia ayaa wada xaajood kula jirta dalalka Turkey iyo Eritrea si ay uga caawiyaan dhanka macallimiinta ciidamada iyo saanadda, si ay ciidamada SNA awood ugu yeeshaan inay sugaan amaanka dalka marka ay baxdo AMISOM 2021.

Yeelkeede, tillaabadan ayaa dhaqan geli karta oo qura marka uu ogolaado Golaha Amaanka ee QM, kaasoo waloow uu amray bixitaanka marxaladaysan ee ciidamada AMISOM misna Somalia kusii haya cunaqabatayn keentay in ay adkaato in la qalabeeyo ciidamada Somalia, si ay dalkooda u ilaaliyaan.

Turkey ayaa ah dalka 1-aad ee aad u taageera guud ahaan Somalia, gaar ciidamada isagoo dhisay jidad, iskuulo, garoonka Aadan Cadde iyo xarumo dowladeed.

Halka Eritrea, Ethiopia, Djibouti iyo Somalia ay samaysteen isbahaysi ku aaddan iskaashi dhanka amaanka iyo dhaqaalaha ah oo ka hana qaada Geeska Afrika.

Danjiraha Turkiga ee Kenya, Ahmed Cemil Miroglo ayaa mar arrintaa wax laga waydiiyay wuxuu ku gaabsaday in lagala xiriiro Safaaradaha Turkiga ee Somalia iyo Eritrea.

Hadalsame Media