DF Somalia oo lagu SALUUGEY qaabka ay xilliyadii dambe u waddey dacwadda badda

0

(Muqdisho) 20 Okt 2019 – Dacwada badda markii la diyaarinyay qarsoodi ayay ahayd, intii ka dambeysay Dowladda ayaa bulshada war rasmi ah oo haddana sugan ka siin jirtay ergada tegeysa ICJ, goorta iyo waliba sababta loo tegayo.

Inta Maxkamadda la joogo ayaa mar kale shacabka war sugan laga siin jiray sida ay wax u socdaan.

Hadda ugu yaraan laba jeer ayaa fal dhacay dabadii uu suuqu u warramay shacabka, ka dibna ay Dowladdu u xaqiijisay.

Waana markii ugu horreeysey ee siyaasi uu ka mid noqdo ergada Soomaaliya.

Ma xuma in wax cusub la isku dayo, laakiin haddii sidii hore ay wanaag badiso, ma ahan in lagu adkeysto sida cusub.

F. G. Sawirku waa Qareen Muna Sharmaan oo daafacaneysa baddeeda.

Waxaa Qoray: Yuusuf Garaad

Hadalsame Media