”NATO kama maaranto Turkiga!” – RW Holland oo ka hadlay muhiimadda Turkiga (Arag booska uu ku jiro)

0

(Amsterdam) 19 Okt 2019 – Gaashaanbuurta NATO kama “maarmi karto” dalka mudada dheer ka midka ahaa ee Turkiga, sida uu qabo Wasiirka Koowaad ee Netherlands, Mark Rutte.

RW Rutte oo weerarka Turkiga ee woqooyi bari Suuriya kala hadlayay Baarlamanka dalkiisa — kaasoo ay dalal badan oo Galbeed ihi kasoo horjeesteen — ayaa sheegay in dadka ku doodaya in NATO ay Turkey la’aan ku fiican tahay aysan meesha ku haynin “aragti aqliyaysan.”

“Turkey waa mid ka mid ah xubnaha ugu xooggan NATO. Ilama aha inay NATO wax tari doonto Turki la’aantii siyaasad-dhuleed iyo istaraatijiyad ahaanba,” ayuu Rutte hoosta ka xarriiqay.

Turkiga oo xubin ka ahaa gaashaanbuurta NATO tan iyo 1952-kii, ayaa ah dalka ugu xooggan NATO oo idil ama ugu ciidan ballaaran marka laga reebo dalka Maraykanka.

Dalalka Galbeedka sida UK, France, Sweden, Germany, USA iwm ayaa lagu eedeeyay munaafaqad iyo laba wajiilayn, iyagoo tusaale ahaan diidey inay cunaqabatayn hubka ah kusoo rogaan Sucuudiga oo weeraray Yaman isla markaana diley weriye Khasuuqji, balse Turki kusoo rogey, taasoo loo fasiray in Turkigu uu hubkiisa soo saaro 70%, sidaa darteed, aanu jirin hub badan oo uu ka iibsado Galbeedka, halka Sucuudigu uu 100% ka iibsado hub ay balaayiin uga baxdo.

Hadalsame Media